Ciiddan ka tirsan kuwa Milliteriga DFS ayaa isku gedaamay Nawaaxiga KM 4 ilaa Garoonka Aadan Cadde, waxayna xanibeen dhamaan isku socodkii dadka iyo gaadiidka.
Ciiddankaasi oo aad u hubeysan, isla markaana wata Gaadiidka Dagaalka ee Teknikadda ayaa la sheegay inay ka cabanayaan inaan wax mushaar ah la siinin dhowr bilood.
Ciiddanka ayaa joojiyey dhamaan Gaadiidkii ku sii jeeday Garoonka Diyaaradaha, kuwii BL-ka iyo Gaadiidkii Ciiddanka AMISOM, kuwaasi oo ku wada xayiran Isgoyska KM4.
Xaalladda ayaa cakiran, waxayna Ciiddanka gadoodsan dhufeysyo ka galeen dhamaan Xaafadaha ku hareeraysan KM 4 ilaa Garoonka.
Gadoodkooda ayaa waxa uu ku soo beegmay iyadoo uu RW Xasan Cali Kheyre maanta amar ku bixiyey in la bixiyo Mushaaraadka Shaqaalaha Dowladda ee bishii Janaayo ee sannadkan.
Dhawaan ayey ahayd, markii ay DFS amar ku bixisay inay Ciiddanka Milliteriga ka wada baxaan gudaha Muqdisho, kuna laabtaan Xerooyinka ay ku leeyihiin duleedka Muqdisho iyo Goballadda kale.
km
©Radio Dalsan