Muhaajiriin ay ku jiraan Soomaali oo magangelyo ka codsaday Jesiiradda Malta

Waaxda Socdaalka ee Malta ayaa sheegay inay 1839 Codsiyo Magangelyo-doon ah soo gaareen sannadkii hore.

Codsiyadaasi oo ay Xafiiska Qaxootiga dalkaasi u soo gudbiyeen Muhaajiriin badankooda ka soo jeeda dalalka Afrika.

Muhaajiriinta Liibiyaanka waxay 17.3% ka yihiin  Qaxootiga  magangelyadda ka codsaday Dowladda Malta.

Sidoo kale, Muhaajioriinta Soomaalida ayaa la sheegay inay 30.9% ka yihiin Muhaajiriinta ku sugan Malta ee codsaday Magangewlyo Caalami ah.

Muhaajiriinta ka soo jeeda dalka Syria waxay celcelis ahaaan tirade magangelyuo-doonka ka noqdeen 26.8%.

Dhinaca kale, Muhaajiriinta Shisheeyaha ee codsiyadda magangelyo-doonka ka dalbaday Malta ayaa la sheegay inay 43.1%  yihiin rag ay da’doodu u dhexeyso 18 jir ilaa 34 jir.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor