Ciiddanka Dowladda Iraq oo taageero ka helaya Isbahaysiga Maraykanka ayaa la sheegay inay maanta bilaabeen Hawlgalkaasi, oo muddo 2 isbuuc hakadsanaa.
Ciiddanka ayaa la sheegay inay maanta gudaha u galeen Bariga Mosul, iyadoo Ciiddanka Khaaska galeen Deegaanadda Karaama iyo Qudus, halka Ciiddnka Milliteriga iyo Boliska Federlka u hdow yihiin Deegaanadda Salaam iyo Sumoor.
Taliyaha Ciiddanka Khaaska ee Bariga Mosul, Jeneral C/wahaab Al-asaadi ayaa sheegay inay Ciiddankiisa wax ka yar 3 KM u jiraan Webiga Furaad, iyadoo Isbahaysiga Mraaykanka isbuucan burburiyeen wixii ka haray Buundada dul-marta Webigaasi.
Dhinaca kale, Dagaalamayaasha Kooxda Daacish ayaa weli dhufeysyo adag kaga jira gudaha iyo daafaha Mosul, iyadoo Hoggaamiyaha Kooxdaasi, Abu bakar Al-baqdaadi horey ugu baaqay Ciiddankiisa inay difaacdaan Mosul.
Kooxda Daacish waxay magaalladdaasi qabsadeen sannadkii 2014-kii, oo ay kaga dhawaaqeen Dowladda Islaamiga ee Islamic State ama Daacish.
©Radio Dalsan
.