200 ilaa 250 Maxbuus ayaa la sheegay inay ka baxsadeen Xabsi ku yaalla Jesiiradda Sumatria, kadib, markii ay u itaal sheegtay 6 Askari oo ilaalo ka haysay Xabsigaasi oo ay ku xirnaayeen in ka badan 1,870Â Maxbuus.
Afhayeenka Boliska Deegaanka, Kolonel Guntur Aryo Tejo ayaa sheegay inay Ciiddan dheeraad ah loo diray Hawlgal lagu soo qabtay 130 ka mid ah Maxaabiistii baxsatay.
Waxa uu sheegay inay Maxaabiista qaarkood isa soo dhiibeen, halka kuwa kale ay qabteen Boliska iyo dadka Rayidka.
Xabsigaasi oo loogu talagalay in lagu xiro 361-qof ayaa waxaa haatan ku xiran in ka badan 1,870-Maxbuus.
©Radio Dalsan