Ra’isul-wasaaraha Yuhuudda oo ay ku socdaan Baaritaano la xiriria Laaluush iyo Wax is-daba-marin.

Xeer-ilaaliyaha Guud ee Yuhuudda, Afijaay Mandelbilt ayaa xaqiijiyey in la furay Baaritaan buuxa oo lagu ogaanayo Dhaqdhaqaaqa maaliyadeed ee  Ra’isul-wasaare Benjamiin Netayahu iyo eedeymaha loo haysto.

Xeer-ilaaliyaha waxa u udhawaan amray baaritaanka  eedeymaha sheegayo inuu Netayahu oggolaaday inuu qaato 1.1 million oo Dollar oo uu ka helay Nin u dhashay Faransiiska, iyadoo lacagtaasi uu u adeegsaday Ololihiisa Doorashadda ee sanadkii 2009-kii.

Janalka 10-aad ee Telefishinka Yuhuudda ayaa sheegay inay Boliska baaritaan muddo 9-bilood ku hayeen Labo Kiis oo aan la shaacinin oo loo haysto Benjamiin Netayaahu.

Waxaa kaloo baaritaano lagu hayaa eedeymo la xiriira inuu Benjamiin Netayaahu malaayiin Dollar ka helay Qandaraas 3 maraakiibta Gujiska looga soo iibsaday dalka Jarmalka.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor