Midowga Yurub oo Sheegay Inuu Sii Wadi Doono Taageerada Ciidamadda Dowladda Soomaaliya

Danjiraha Midowga Yurub u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Michele Cervone d’Urso ayaa sheegay in Midowga Yurub uu sii wadi doono taageerada uu siiyo Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Danjiraha oo Wareysi gaar ah siiyay Wakaaladda Wararka Dalka Turkiga ee Anadolu News Agency ayaa shaaciyay iney sanadkan diiradda ay saari doonan dhinaca Ammaanka.

Midowga Yurub ayaa tababaray 4 Kun oo askari tan iyo Sanadkii 2010kii si loola dagaalo Amni daradda ayuu yiri Danjiraha.

Howlgalkan ayaa bilaawday bishii April Sanadkii 2010kii waxana ku baxday lacag dhan 10 milyan oo dollarka Mareekanka askarta la tababaray tan iyo markasi.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor