Midowga Musharixiinta oo Guddoomiye Mursal ku eedeeyay in uu Carqaladeynayo dadaalada RW Rooble

Golaha Midowga Musharixiinta Madaxweynaha ayaa soo saaray War-saxaafdadeed dhinacyo badan taabanaya,oo ay kaga hadleen arrimo dhowr ah oo ku aaddan xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo khilaafka xooggan ee soo kala dhexgalay Xukuumadda iyo Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo.

War-saxaafadeed kasoo baxay Golaha Midowga Musharxiinta oo ka kooban ilaa iyo Siddeed qodob ayaa waxaa qodobada la isla gartay ka mid ah, in RW Rooble la garab istaago, oo midowga Musharixiintu ay si buuxda u garab taagan yihiin Ra’iisul Wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble, iyadoo War-saxafadeedka lagu sheegay in ay ku garab taagan yihiin dhinacyada ammaanka iyo doorashada.

Sidoo kale waxaa Midowga Musharixiintu ay intaasi ku dareen in ay si buuxda u taageersan yihiin go’aamada iyo tallaabooyinka uu qaaday RW Rooble ee ku aaddan Kiiska Marxuumad Ikraan Tahliil, iyadoo Goluhu uu ku garab istaagi doono baaritaanada iyo sidii Maxkamad loo horgeyn lahaa Eedeysanayaasha am cid walba oo lagu helo kiiska Marxuumadda.

Hoos ka akhriso Qodobada oo dhammeystiran

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor