Afhayeennadda Ururka Midowga Europe, Chaterine Ray ayaa falkaasi ku tilmaamtay mid lid ku ah dadka Rayidka, isla marakaana ay falalkaasi soo noqnoqdeen.
Afhayeenadda waxay sheegtay inay ka go’an tahay inay taageeraan Dowladda Somalia, waxayna ugu baaqday Madaxda Soomaaliyeed, Ciiddanka AMISOM iyo dhamaan Beesha Caalamka inay midoobaan, isla markaana xoojiyaan dadaalkooda ku aadan sidii Somalia loo cirib-tiri lahaa Argagixisadda, waa sida lagu xusay Warka ka soo baxay EU-da oo ugu dambeeyeye tacsi u diray qoysaska ay dadkoooda dhibaataddu ku soo gaartay Qaraxii habeen hore ay Alshabaab la beegsadeen Barxadda Nabadda ee SYL.
Dhinaca kale, Dowladaha Sacuudiga, Qatar iyo Urdun ayaa waxay si kala gooni ah u cambaareeyeen Weerarkaasi oo ay ku tilmaameen mid ka baxsan Aadminimadda.
Waxay Dowladahaasi mar kale xaqiijiyeen inay Walaalahooda Soomaalida ka taageeri doonaan sidii looga hortegi lahaa falalka Argagixisadda ee lala beegsanayo Ammaanka iyo Deganaanshaha Somalia.
Hadalka Qoraalka ee ka soo baxay Wasaaradaha Arrimaha Dibeddaee dalalka Sacuudiga, Qatar iyo Urdun waxay tacsi u soo direen Dowladda Federlaka iyo qoysaska ay dadkooda ku geeriyoodeen qaraxii SYL, iyagoo kuwa dhaawacanna u rajeeyey Bogsasho Degdeg ah.
©Radio Dalsan  Â