Dhageyso:-Magacyada Ganacsato Ahlusuna ay ku xir xirtay Dhuusa Mareeb

Maamulka gobolada Dhexe ee Ahlusuna wal-jamaacada waxa ay degmada Dhuusa mareeb ee Xarunta Gobolk galgaduud ku xir xireen tiro Ganacsato ah oo haween u badan.

Ganacsatadan qaarkood oo la hadlay Dalsan ayaa waxa ay sheegeen in sababta loo xir xiray ay tahay in ay weydiiyeen in ay bixyaan lacago farabadan oo ay ku sheegen in ay tahay Canshuur taas oo aysan awoodin Ganacsatada in ay bixiyaan.

Mid ka mid ah Ganacsatada degmada dhuusa mareeb oo dalsan la hadashay ayaa waxa ay sheegtay in Ganacsatada la xir xiray ay ku jirto Gudoomiyaha ururka haweenka degmada Dhuusa mareeb kuwaas oo magacyadooda ay kala yihiin.

1: Siraad Jirde Faarax oo ah Gudoomiyaha Ururka Haweenka Dhuusa Mareeb

2: Ruqiyo Macalin Axmed

3: Sahro Xasan Cabdi

4: Sagal Cilmi Xersi

5:-Safiyo Xersi Wanaagsan

6: Shuri Wadaad Yare

7: Shukri Sheekh Axmed

8: Istaahil Dhiijaan

Iyo Goodax Maxamed Maxamuud

Hoos Ka Dhageyso Wareysiga mid ka mid ah Ganacsatada dhuusa Mareeb.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media