Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika, ayaa oggolaatay Talo soo-jeedin ka timid Waaxda Arrimaha Siyaasadda ee Ururka Midowga Afrika oo ku aadan in Koox Farsamo loo diro Somalia si ay u xoojiyaan Awoodda AMISOM iyo inay gacan kja geystaan Doorashdda Madaxtinimadda iyo Barlamaanka ee ka dhici doonta Somalia.
Soo-daadgureynta Kooxdaasi Khubarada ayaa lagu go’aamiyey Shir ay Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika bishan September 6-dii ku yeesheen Xarunta Midowg Afrika ku leeyihiin Caasimadda dalka Ethiopia ee Addis Abeba.
Khubaradan oo ka lagu kala magacaabo Hope Mary Nasangi oo u dhalatay Uganda iyo Jespa Ajerboh Tichock oo u dhashay dalka Cameroon waxay bishan September 17-dii soo gaareen magaallddan Muqdisho, iyagoo joogi doona inta laga gaarayo bisha November 5-da ee sannadkan.
Khubaradaasi waxay kaloo xoojin doonaan Waaxda Siyaasadda ee AMISOM, wuxuuna Khubarada doorkooda noqonayaa inay ururiyaan Warbixinadda lagu xaqiijinayo Doorashadda 2016-ka ee Somalia.
Khubarada waxay kaloo la shaqeyn doonaan Saaxiibadda Caalamka ee taageerauyo Doorashadda Somalia, oo ay ku jiraan Midowga Europe, Jaamacadda Carabta, Ururka Islaamka ee OIC iyo Midowga Afrika.
©Radio Dalsan