Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ammaanay doorka ay Dowladda Imaaraadka Carabta ka qaataan Qaaraanka dib loogu dhisayo Somalia, wuxuuna xusay inay Imaaraadka Carabta Isbahaysi xooggan oo ay dadka Somalia u bahaan yihiin maanta iyo mustaqbalka.
Waxa uu tilmaamay inay Dowladda Imaaraadka Carabta ka taageeraan Dadka Soomaalida dhinacyadda Ammaanka, Samafalka iyo Shaqada Horumarinta, Dhismaha Awoodda Shaqaalaha Rayidka, Horumarinta Adeegyadda Bulshadda iyo La-dagaalanka Burcad-baddeeda.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo haatan Musharax Madaxweyne ah waxa uu ku nuuxnuuxsaday haddii mar kale dib loo soo doorto inuu xoojin doono Xiriirka Walaaltinimo ee uu la leeyahay Dowladda Imaaraadka Carabta.
“Waxaan ka shaqeyn doonaa Xoojinta Xiriirka aan la leenahay Dowladda Imaaraadka Carabta si ay u noqdaan Isbahaysigeenna Istaraatijiyadda Joogtadda, haddii Aniga dib la ii soo doorto waxaan hubin doonaa sidii uu u sii kobci lahaa Xiriirkaas” ayuu yiri Madaxweynaha.
Dhinaca kale, Dowladda Imaaaraadka Carabta waxay safka hore kaga jirtaa Dowladaha Caalamka Taageeradda Dhaqaale, Diplomaasiyad, Milliteri iyo Bulsho la garab taagan Dowladda Somalia, waxayna Muqdisho ku leeyihiin Safaarad iyo Xarumo Caafimaad oo si lacag la’aan loogu daaweeyo dadka Bukaanka ah.
©Radio Dalsn