Xilliga Doorashadda Aqalka Sare ee Barlamaanka oo uu dib-u-dhac ku yimid

Sida lagu madalsanaa maanta ayaa la filayey inay Maamul-gobaleedyadda soo gudbiyaan Liiska xubnaha ka mid noqanayo Aqalka Sare ee Barlamaanka Federalka ee soo socda.

Guddiga Doorashadda Dadban ee Heer Federal ayaa horey u shaaciyey inay Maamul-gobaleedyadda bishan September 25-da soo gudbiyaan Xubnaha Xildhibaandd ee  uga mid noqonayo Aqalka Sare ee Barlamaanka Federalka.

Sababha dhaliyey Dib-u-dhca ayaa la filayaa inay Guddiga Doorashadda Dadban ka hadlaan, si loo ogado waxa dib u dhigay magacaabista 54-ka xubnood ee Xildhibaanadda Aqalka Sare ee Barlamanka.

Dib-u-dhacaasi ayaa la rumeysan inay  u sabab yihiin:-

Maamul-gobaleedka Hiiraan iyo SH/dhexe oo aan weli la dhisin, lana soo xuli Karin Xubnihii u matali lahaa Aqalka Sare ee Barlamaanka.

Cuqaasha iyo Siyaasiyiinta Somaliland oo weli qaadacsan Saami-qeybsiga Labada Aqal ee Barlamaanka.

Maamulladda Puntland, Galmudug, Jubbaland iyo K/Galbeed oo aan weli si rasmi ah u soo gudbinin Liiska Xildhibaanadda u matalayo Aqalka Sare.

Guddiga Doorashadda Dadban ee Heerka Federl waxay bishii hore soo bandhigeen Jadwalka Doorashadda, kaasi oo lagu qeexay:-

  1. In Xildhibaanadda Aqalka Sare ee Barlamaanka la doorto bishan September 25-da.
  2. In Dhaarinta Xildhibaannada dhacdo bisha October 25-da.
  3. In Guddoonka Baarlamaanka la doorto bisha October 25-da.
  4. In Madaxweynaha la doorto bisha October 30-da.

Si kastba ha ahaatee, Dib-u-dhaca xubnaha Aqalka Sare ayaa laga yaabaa inay sababi karto Dib-u-dhac Baahsan oo ku yimaada  Xilligii loo qoondeeyey Doorashadda Guddoomiyaha Barlamaanka iyo tan Madaxweynaha.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor