Meydka Allaha u naxariistee Wasiirkii Haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha Xukuumadda Soomaaliya, Marxuum Khadiija Maxamed Diiriye oo shalay ku geeriyootay dalka Jabuuti ayaa laga soo dejiyay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Diyaarad gaar ah oo uu la socday Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Xamse Cabdi Barre ayaa Meydka Khadiija Diiriye looga soo qaaday Jabuuti, waxaana haatan salaada Janaasada lagula tukanayaa Garoonka diyaaradaha.
Madaxda ugu sarreeysa dalka, masโuuliyiin kala duwan iyo kumanaan dadweyne ah ayaa ka qeyb galaya aaska Marxuumad Khadiija Maxamed Diiriye.