Maydkii Saynis-yahanada lagu magacaabi jirey Suzanne Eaton ayaa la sheegay in xalay laga helay Jesiiradda Crete ee dalka Giriigga, kadib, markii la la’aa muddo 7 maalmood.
Boliska dalka Giriigga waxay sheegeen inay xalay heleen maydkeeda, isla markaana ay wadaan baaritaano, waxayna ka gaabsadeen inay bixiyaan faahfaahinta waxa sababay dilkeeda.
Haweeneydaasi oo 59-jir waxay ka hawlgeli jirtay Machadka the Max Planck Institute a oo ku yaalla magaalladda Dresden ee dalka Jarmalka, waxaa markii ugu dambeysay ee la arko ay ahayd bishan July 2-dii oo ay ku sugnayd meel ku dhow magaalladda Dekedda leh ee Chania ee dalka Giriigga, halkaasi oo ay kaga qeyb galaysay Shirweyne.
Waxay kaloo wax ka dhigi jirtey Xarunta Biotechnology Center ee magaalladda Dresden, waxayna asal ahaan ka soo jeedaa magaalladda Oakland ee Gobalka California, waana hooyo leh 2 carruur.
Waxaa la sheegay inay maalin kasta ordi jirtay 5 KM, waxayna jeclayd Orodka iyo Legdanta, sida ay sheegeen Saaxiibadeeda.
Si kastaba ha ahaatee, hadal ka soo baxay Machadka Cilmi-baarista unugyadda Bayolojiga iyo Hiddo-sidaha ee magaalladda Dresden ee dalka Jarmalka ayaa lagu xaqiijiyey geerida Saynis-yahanadaasi, inkastoo aan faahfahain dheeraad ah laga bixinin waxa sababay geerideeda.