Wararka Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ay ka heleyso gudaha Degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi haatan uu ka socdo dagaal.
Dagaalkan ayaa waxaa uu u dhexeeyaa Ciidamo kawada tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya,isla markaana waxaa uu sigaar ah uga socdaa Xaafadda Abagedo,iyadoona maqlayo rasaas xoogan.
Dadka deeegaanka oo la hadlay Idaacada Radio Dalsan ayaa u sheegay in dagaalkan uu yimid kadib markii Ciidamo ka tirsan dowladda ay rasaas ku fureen Ciidamo Milateri ah oo mararay Xaafadda Abagedo ee degmada Dharkeenley,sidaasina uu ku bilowday dagaalkaas.
Intaasi kadib ayaa waxaa la sheegay in Ciidamadii Milateriga ahaa ee la rasaaseeyay ay iyaguna rasaas farabadan fureen,taasi oo sababtay Khasaaaro kala duwan oo soo gaaray dad shacb ah sida qof Goobjooge ah inoo sheegay.
Ilaa iyo hada si rasmi ah looga Khasaaraha ka dhashay dagaalkan ka socday gudaha Magaalada Muqdisho gaar ahaan Xaafadda Abagedo oo ka tirsan Dharkeenley ee Gobolka Banaadir.