Hadl-qoraal oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalkaasi ayaa lagu sheegay inay Boliska Xuduudaha heleen maydka Haweeney suurtogal tahay inuu asalkeeda Somali yahay meel ku dhow Tuulladda Ravadinovo ee Koonfurta dalkaasi.
Boliska ayaa sheegay inay u eg tahay inay Haweeneydaasi u geeriyootay Qabowga daran ee ka jira dalkaasi, waxayna ka mid ahayd Koox Tahriibayaal ah oo doonaysay inay ka soo tallaabaan Xuduudka dalkaasi.
Sidoo kale, 2 Tahriibayaal Soomaali ah ayaaloola cararay Isbitaalka, kadib, markii ay iyagana ka baroofeen gacmaha.
Dadkaasi ayaa qeyb ka ah 31 Tahriibayaal aan wax Dukumenti wadanin oo Axaddii la soo dhaafay lagu qabtay Xuduudka dalka Bulgaria, kuwaasi oo ay ku jireen 3 Somali ah.
©Radio Dalsan