Maxkamadeynta Rag dil ka geystay Degmo ka tirsan Gedo oo bilaabatay

Maxkamadda darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ee Gobolka Gedo ayaa Maanta bilowday dhageysiga dacwada Askar ka tirsan Ciidanka dowladda Federaalka oo dil ka geystay degmada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo.

Laba eedeysane oo lagu kala magacaabo Cabdiqadir Faarax Dhaqane iyo Maxamuud Xuseen Faarax ayaa lasoo taagay Maxkamadda Ciidamada, kuwaasi bilo kahor dilay Sadaam Diiriye Ibraahim iyo Mowliid Baashi Cumar oo ahaa wilal dhaliyaro.

Goobta Maxkamadeynta eedaysanayaasha ka tirsan Ciidanka dowladda Federaalka ee ku sugan Balad-xaawo ee Gobolka Gedo ayaa waxaa ku sugnaa Saraakiil kamid ah Maxkamadda iyo xubno kale.

Xeer ilaaliyaha Maxkamadda darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ee Gobolka Gedo ayaa dalbaday in xukun lagu rido Cabdiqadir Farax Dhaqane iyo Maxamuud Xuseen Faarax, maadaama ay dileen wiilal dhalinyaro ahaa.

Maxkamadda Ciidamada ayaa la filayaa inay go’aan kama dambeys ah ka gaarto dacwada laba Ninka oo lagu eedeeyay inay dileen bilo kahor Sadaam Diiriye Ibraahim iyo Mowliid Baashi Cumar oo kamid ahaa dadka deegaanka Balad-xaawo.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor