Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa haatan waxaa uu kulan gaar ah la leeyahay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Cabdi Xaashi Cabdullaahi.
Kulanka dhexmaraya Rooble iyo Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa waxaa looga hadlayaa arrimaha cakiran ee ka taagan Doorashada xubnaha Gobolada Waqooyi (Somaliland), iyadoo la filayo in Guddoomiye Cabdi Xaashi shir jaraa’id qabto.
War-saxaafadeed ay soo saareen xubnaha Guddiga matalayay garabka Cabdi Xaashi ee la kulmay Guddiga ka socda garabka Mahdi Guuleed ayaa waxay ku eedeeyeen Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka inuu diidan yahay hab qeybsiga dhismaha Guddiga jiheynta doorashada.
Dhinaca kale Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda xilgaarsiinta Mahdi Maxamed Guuleed Khadar oo Qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook ayaa waxaa uu ku beeniyay eedeynta iyo warqadaba kuna tilmaamay mid aan sal iyo raad laheyn.
Waxaa muuqata in doodda ugu adag ee shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee doorashooyinka inay tahay arrinta Somaliland, waxaana illaa hadda muuqata in is faham laga gaaray qodobadii kale.