Maxkamadeynta Askari Muqdisho ku dilay Haweeney Umul aheyd oo bilaabatay

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa Maanta bilowday dhageysiga Dacwada kiiska Askari ka tirsan Ciidanka Booliska dowladda oo bilowgii Bishii Ramadaan laba ruux oo shacab ah ku dilay Isgoyska Jubba ee Magaalada Muqdisho.

Askarigaas oo kamid ah Ciidanka Booliska ayaa si bareer u dilay laba ruux oo lagu Magacaabi jiray Madiino Cabdullaahi Cabdi iyo Xasan Cali Cadaawe, kuwaasi oo isku diyaarinayay fulinta amarka Bandowgii dowladda xiliga hebeenkii saartay Muqdisho.

Xeer ilaaliyaha guud ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Cabdullaahi Buule Kameey ayaa Maxkamadda ka dalbaday in Xasan Aadan Maxamed oo ah Askariga dilka geystay lagu fuliyo qisaasta Marxuumiinta.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute oo soo xiray fadhiga ayaa sheegay in Maxkamadda Go’aanka ka gaari doonto Kiisaska Xasan Aadan.

Si kastaba Xasan Aadan ayaa dilka uu u geystay laba Marxuum ayaa waxaa ka dhashay Banaanbax xoogan oo ka dhacay Muqdisho, isla markaana dowladda Federaalka looga dalbaday in Askarigaas sharciga la hor-geeyo.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media