Maxkamadda Racfaanka ee Gobolka Nugaal ayaa dil ku xukuntay 3-dii nin ee loo haystay kiiska Caasha ilyaas iyadoo ku raacday xukunkii hore ee Maxkamadda darajada koowaad ee Gobolka Nugaal.
Qareennada Ragga la xukumay ayaa mar kale qaatay Racfaan 30 Cisho ah, waxaana loo gudbi doonaa maxkamadda sare ee Puntland.
Saddexda Nin ee loo heysto kiiska Marxuumad Caasha ilyaas Aadan ayaa waxaa horey xukun Dil toogasho ah ugu riday Maxkamadda Darajada koowaad ee Gobolka Nugaal,isla markaana waxaa Go’aankaas ku raacay Maxkamadda Racfaanka.
Magalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa fal isugu jiray Dil iyo Kufsi loogu geystay Marxuumad Caasha Ilyaas Aadan oo Gabar 12-sanno jir aheyd,waxaana Gaalkacyo isaga baxay Qoyskii Caasha.