Maxkamadda Gobolka Banaadir oo xukun ku riday 4 Saxafi

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta waxaa ay xukun lacageed ku riday Afar wariye oo ka hawlgalayay Idaacaha Shabeelle,Sky iyo Risaala ee Magaaladda Muqdisho.

Xukunka Wariyayaasha ayaa u dhacay Sidan:

Cabdi Maalik Yuusuf oo ah Milkiilaha Idaacaddaha Shabelle iyo SKY ayaa lagu xukumay  $10,000 iyo Waqtigii uu xirnaa.

Axmed Cabdi Xasan oo Shabeelle ka tirsan ayaa isna lagu xukumay $500 iyo Waqtigii uu xirnaa.

Maxamuud Carab oo ah agaasimaha Radio SKY ayaa isna lagu xukumay  $2,000 iyo Waqtigii uu xirnaa.

Maxamed Cabdi Cali oo ka tirsan Risaala ayaa isna lagu xukumay $500 iyo Waqtigii uu xirnaa.

Dhanka kale waxaa dib loo dhigay xukunka Wariye Maxamed Bashiir Xaashi oo ka tirsan Idaacadda Shabeelle.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor