Maxkamadda Ciidamada oo qabatay Dacwad ka dhan ah Fahad Yaasiin iyo Saraakiil kale

Qoyska Ikraan Tahliil Faarax ayaa Dacwad ka dhan ah Taliyihii hore ee Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir iyo Saraakiil kale oo kamid ah NISA u gudbiyay Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.

Qoraal loo gudbiyay Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidamada ayaa lagu sheegay in Eedeysanayaal ay ku jiraan Saraakiil ka tirsan Hay’adda NISA ay ku lug leeyihiin kiiska Ikraan Tahliil oo aheyd Sarkaalad ah oo NISA sheegtay in la dilay.

Magacyada Eedeysanayaasha ay xuseen qoyska Ikraan ayaa waxaa kamid ah Taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, Cabdullaahi Kulane, Cabdiqani diirane (Wadna-qabad) iyo Taliyaha NISA ee Gobolka Banaadir.

Qoyska Ikraan Tahliil Faarax ayaa Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ka dalbaday in baaris qoto dheer lagu sameeyo kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo Hay’adda NISA sheegtay in la dilay, taas oo nolal iyo geeri lagu la’yahay muddo laba Bil.

Hoos ka Akhriso Qoraalka loo gudbiyay Xeer ilaalinta Maxkamadda.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor