Taliye ku xigeenka Ciidamo is-baabulay oo ku sugan gudaha Gobolada Hiiran iyo iyo Bakool oo Wareysi siiyay Radio Dalsan ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin dagaal ay la galaan Al-Shabaab
Cabdullaahi Cabdi Zabriye o ah taliye ku xigeenka Ciidankaas ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin ka qeyb qaadashada dagaalkii uu ku baaqay Madaxweyne Farmaajo isla markaana haatan ay galeen diyaar garoowgii ugu dambeeyay.
Waxa uu sigaar ah u sheegay in Ciidamadaan ay abaabuleen in ay howlgalka ka sameyn doonaan Lix Tuulo oo ka kala tirsan Gobolada Hiiraan iyo Bakool.
Waxa uu ku eedeeyay taliska xoogga dalka Soomaaliya in ay ka gaabiyeen waxyaabihii looga baahnaa isla markaana aysan jirin cid ay taakuleyn ka helayaan.
Ciidamadan ayuu sheegay in laga kala aruuriyay deegaanada Buq Goosaar, Baladweyne, Far Libaax, Ceel Cadde, Qurac Joome, Beesaale iyo Ceel-Barde, waxa ayna diyaar u yihiin in ay ka qeyb qaatan xureynta dalka sida uu hadalka u dhigay.
Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Taliye ku xigeenka.