Maxkamad lasoo taagay Haweeney Soomaali ah oo gabdhaheeda ku sameysay Gudniinka Fircooniga

Maxkamad ku taalla magaalladda KUWIINISLAND  ee dalka Australia waxaa la soo taagay Haweeney Soomaali oo lagu eedeynayo in ay  2 gabdho oo ay dhashay ay bishii April ee sannadkii 2015-kii u soo kaxeysay Somalia, si loogu sameeyo Gudniinka Fircooniga ee FGM.

Haweeneydaasi oo aan magaceeda la shaacinin sababo dhinaca Sharciga waxay beenisay inay Carruurteeda dalka Australia uga soo dhoofisay si gudniin loogu soo sameeyo.

Warbaahinta dalkaasi oo soo xigtay qoraal ka soo baxay Maxkamadda ayaa sheegtay in labada gabdhood markii ay dib ugu soo laabteen dalka Australia inay Boliska u sheegeen inay wax dhaceen, markaas kadibna loo gudbiyey Dhakhtar, kaasi oo soo xaqiijiyey in gabdhahaasi lagu soo sameeyey Gudniinka FGM, oo mamnuuc ka ah dalka Australia iyo dalalka kale aan Muslimka ahayn.

Dhinaca kale, Maxkmadda ayaa la filayaa inay dhegeystaan 10 Markhaati, waxayna dhageydsiga dacwadaasi  la soo geba-gebeyn doonaa horaanta isbuuca soo socda.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor