Madaxda Soomaaliya,Itoobiya, Chana iyo Botswana oo ku kulmay Adis Ababa

Ra’iisal wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa kulan gaar ah kula yeeshay magaalada Adis-aba madaxweynayaasha Soomaaliya,Chana iyo madaxweynaha dalka Botswana.

Ra’iisal wasaare Abiy Ahmed ayaa maanta wada hadal la yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, Madaxweynaha Ghana Nana Akufo- Addo, iyo Madaxweynaha Botswana Mokgweetsi Masisi.

Hoggaamiyaasha ayaa ka wada xaajooday arrimo badan oo quseeya labada dhinac iyo gobolka intaba.

Sidoo kale,Ra’iisal wasaaraha Ethiopia ayaa la kulmay madaxweynaha Jabuuti Cismaaciil Cumar Geele iyo madaxweynaha Suudaan Cumar Hassan Albashiir.

Hoggaamiyeyaasha Afrika ayaa magaalada Adis-ababa uga qeyb  galay shir madaxeedka Midowga Afrika oo looga hadlay arrimaha Qaxootiga, Barakacayaasha Gudaha iyo kuwa Dibedda ka soo laabanaya ee Afrika.”

Comments
Loading...