Dhageyso:-Cabsi soo wajahday Soomaalida ku Ganacsata dalka Koonfur Afrika

Dalka Koonfur Afrika wax uu ka mid yahay dalalka inta badan dilalka loogu geysto muwaadininta Soomaaliyeed ee Ganacsi ahaan dalkaasi u taga,kuwaas oo dhibaatoyin kala kulma Burcada u dhashay dalkaas.

Sanadkaan Cusub ee 2019 ayaa waxaa dalkasi lagu dilay in ka badan 4 Ruux oo dhamaantood Soomaali ah,waxana ay taasi casbi ku qabuurtay Ganacsatda Soomaaliyeed eek u nool dalkaasi koonfur Afrika.

Daahir Cabdul Casiis Maxamuud oo ah Wariye Madax banaan kuna sugan dalkaas ayaa sheegay in Saacadihii la soo dhaafay tulo hoostagta Magalada Cape town lagu dilay muwaadin Soomaaliyeed oo caanka ahaa dalkaas.

Waxa uu sheegay in dhibaatooyinka Soomaalida ku nool dalka Koonfur Afrika loo geysanayo ay soo bataan,isla markaana taasi ay cabsi iyo walwal ku abuurtay Ganacsatada Soomaalida ah.

Isaga oo wareysi siinayay Radio Dalsan ayuu sheegay in mar walba dhibaatada lagu hayo Ganacsatada Soomaaliyeed eek u nool dalka Koonfur Afrika ay saameyn weyn ku yaalatay Ganacsigooda.

Hoos Ka Dhageyso wareysiga oo dhameystiran.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor