Magalada Muqdisho waxaa Goordhow soo gaaray Wafdi ka socda Dowladda Qatar oo uu hoggaaminayo wasiirka Arrimaha Dibada dalkaas Sultan bin Saad Al-Muraikhi,iyada oo siweyn loo soo dhaweeyay.
Wasiirka arrimaha Dibada Soomaaliya Axmed Ciise Cawad,Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow Ducaale iyo mas’uuliyiin kale ayaa wafdiga soo dhaweeyay.
Xubahaan ayaa waxa ay ka qeyb geli doonaan shirka Kooxda Xiriirka Soomaaliya ee Ururka Iskaashiga Islaamka OIC oo goordhow lagu wado in uu ka furmo Magalada Muqdisho.
Magalada Muqdisho gaar ahaan Xarunta doorashada Madaxweynaha Soomaaliya lagu qbatay ee Howlka afisooni ku sugan Guddiyada joogtada ee Ururka Iskaashiga Islaamka si ay shirkaasi uga qeyb galaan.
Waa markii ugu horeysay ee shirkaan ay Soomaaliya martigeliso,iyada oo Maanta amniga Magalada Muqdisho siweyn loo adkeeyay,isla markaana Isgoysyada muhiimka ah la xiray.