Maxkamad ku taal dalka Urdun ayaa xukun ku riday gacan-yarihii hore ee Boqortooyadda waddankaas iyo nin kale oo ay qaraabo yihiin Boqor Cabdalla II.
Labada nin oo lagu kala magacaabo Bassem Awadallah iyo Sharif Hassan bin Zaid ayay maxkamadu ku xukuntay min 15 sano oo xabsi, iyagoo loo haysto inay ku lug lahaayeen xasillooni darro loo magaleegay Boqortooyada.
Awadallah, ayaa sidoo kale haysta baasaboor Maraykan ah, waxaana uu gacan-yare sare muddu u ahaa Boqor Cabdalla II. Sharif Hassan bin Zaid ayaa ka tirsan qoyska Boqortooyada. Labaduba waa ay beeniyeen eedeymaha loo jeediyay.
Bassem oo mar ahaa wasiirka maaliyadda ee Urdun ayaa lagu eedeeyay in uu fuliyay siyaasado waxyeeleyn kara hannaanka dowliga ah, isla markaana abuuri kara kicin dadweyne.