Waxaa magaalada Muqdisho kulan ku yeeshay Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Cabdi Maxamed Xajaar iyo guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka oo ka wadahadlay arrimo muhiim ah oo la xiriira doorashada.
Kulanka ayaa intii uu socday waxaa looga ahdlay arrimaha doorashoyinka ee la filayo in ay dalka ka dhacaan marka la gaaro sanadka 2020/2021 iyo qaabka ciidanka booliisku ay uga qeyb qaadan karaan sugidda amniga doorashooyinka.
Gudoomiyaha guddiga madaxa banaan ee doorashoyinka Xaliimo Ismaaciil Ibraahib Xaliimo Yarey ayaa Taliyaha ka xog wareysatay waxa ka dhaqangalay wadahadaladii hore ee la xiriiray doorashada iyo diyaar garoowga ay wadaan si doorasho amnigeeda la xaqiijiyay ay u dhacdo.
Taliyaha oo u mahadceliyay Guddomiyaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka ayaa dhankooda ballan qaaday in soo dadajin doonan hawlaha iyaga xagooda ah ee la xiriira doorashada isalmarkaana ay ka go’antahay in ay siugaan aniga.