Dowladda oo War kasoo saartay weerarkii Al-shabaab ee Goof-gaduud

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay weerar ku bilowday Qarax Ismiidaamin ah oo saakay Al-shabaab ay ku qaadeen Saldhig Ciidanka dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ku leeyihiin deegaanka Goof-gaduud Gobalka Baay.

Afhayeenka Wasaaradda Warfaafinta Ismaaciil Orange oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa uu ku sheegay in Ciidanka dowladda ay ka hortegeen Weerar Isugu jiray Isqarxin iyo mid toos ah oo Al-shabaab ku qaadeen Saldhiga Ciidamada.

Afhayeenka ayaa sheegay in qof soo xirta Jaakad walxaha qarxa ah uu isku dayay inuu gudaha u galo Saldhiga Goof-gaduud, hayeeshee uu ku qarxay banaanka Saldhiga, isagoo tilmaamay in intaas kadib uu bilowday dagaal too ah oo labada dhinac dhexmaray.

Ciidamada dowladda ayuu Ismaaciil Orange sheegay inay iska difaaceen weerarkii kaga yimid dhanka Al-shabaab, isla markaana dagaalkaas uu ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac soo kala gaaray.

“Tobaneeyo ka tirsan Alshabaab ayaa lagu dilay halka qaar kalana nolosha lagu qabtay. Taliska Xoogga dalka Soomaaliyeed oo weerarka Alshabaab ka hadlay waxa ay xaqiijiyeen dhimashada laba Askari oo katirsan Xoogga dalka iyo dhaawaca 4 kale” ayuu yiri Ismaaciil Orange.

Ugu dambeyn Afhayeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda ayaa sheegay in xaaladda hadda ay daggantahay Saldhigga Goofgaduudna ay iminka gacanta ku hayaan Ciidamadii dowladda ee halkaasi daganaa.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media