Habeenkii labaad ayaa waxa duqeyn xagga cirka ah lala beegsaday magaalooyinka Saakow iyo Salagle ee Gobolka Jubbada Dhexe, iyadoo la soo weriyay khasaare dad rayida gaaray.
Sida ay baahisay warbaahinta Al-shabaab duqeyntii ka dhacday Salagle ayaa waxa ku dhintay hooyo iyo ilmo ay dhashay. Dhinaca Saakowna, waxa ku dhaawacmay qof rayida, iyadoo burbur xoog lehna uu gaaray dhismaha shirkadda Hormuud ee magaaladaasi iyo guryo dad rayida leeyihiin.
Sawirro la faafiyay ayaa muujiyay burbur baaxad leh oo gaaray Xarunta shirkadda Hormuud, inkastoo shaqaalaheeda la tilmaamay inay ka bad qabaan duqeyntaasi dhacday.
Sarkaal ka tirsan Hormuud ayaa BBC-da u sheegay in xafiisyada shirakada iyo gawaari ay ku burbureen duqeynta.
Illaa hadda lama yaqaano cidda lahayd diyaaradaha duqeeyay Saakow iyo Salagle. Magaalooyinka gobolka Jubada Dhexe oo dhan waxaa gacanta ku haaya oo maamula dagaalamayaasha Al-shabaab.
Duqeyntaan ka dhacday Saakow iyo Salagle ee Gobolka Jubbada Dhexe ayaa kusoo aaday, duqeyn kale oo diyaaradeed oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacday degmada Jamaame, taasi oo la sheegay in lala beegsaday goob ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.