Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayay gaarey magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya ayaa kulan gaar ah la yeeshay Madaxweynaha dowladda Kenya William Ruto.
Labada Madaxweyne ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa ka wadahadley xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya labada dal.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay in Kenya iyo Soomaaliya ay wax badan wadaagaan, labada dalna ay ka go’an tahay inay ka shaqeeyaan nabadda iyo xasiloonida gobolka.
Booqasho qaadatay ku dhawaad 7 cisho ayuu Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre toddobaad ka hor ku tegay Nairobi, halka Xasan Sheekh uu bishii hore ee April labo jeer tagay Nairobi.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa mid ka mid ah safaradaas uga qeyb galay shirka Madaxda Afrika iyo Bangiga Adduunka oo lagu qabtay magaalada Nairobi.