Maxay ka wada hadleen Madaxweynaha Galmudug iyo Beesha Caalamka?

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa maanta ka qeyb galay shir ay ku casuumeen qaar ka mid ah saaxiibada Beesha caalamka ee Soomaaliya.

Kulanka u dhexmaray Mdaxweyne Axmed Qorqoor iyo Wakiilada Beesha Caalamka sida Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub iyo IGAD ayaa waxaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Sidoo kale kulanka ayaa waxaa looga arrinsaday khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada dalka ka dhaceysa oo weli Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada aysan heshiis rasmi ah ka gaarin.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor iyo  Wakiilada Beesha Caalamka ayaa waxaa kaloo isla soo hadal qaadeen qabsoomidda Shirka Wadatashiga Qaranka ee lagu balansan yahay inuu 20-ka May 2021ka dhaco Magaalada Muqdisho.

Beesha Caalamka ayaa wada dadaalo xoogan oo ay ku dooneyso in Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleeyada ay heshiis rasmi ah uga gaaran khilaafka hareeyay doorashada Soomaaliya..

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor