Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa ka hadlay kulan Maanta Mareegta Internet-ka gaar ahaan aalada ZOOM-ka ku dhexmaray Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda Maamul Goboleedyada dalka.
Qoraal kasoo baxay Qaramada Midoobay ayaa waxaa lagu soo dhaweeyay kulankii dhexmaray Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah federaalka, kaasi oo hordhac u ah shirweyne dhexmari doona labada dhinac.
Sidoo kale Qaramada Midoobay ayaa ku bogaadisay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi farmaajo iyo madaxda dowlad Goboleedyada tallaabada muhiimka ah ee loo qaaday wada-hadalka joogtada ah ee ka dhexeeya daneeyeyaasha Soomaaliya
“Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa ay soo dhoweyneysay kulankii Maanta dhexmaray Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka – Qaramada Midoobay waxa ay ku ammaaneysaa Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi ‘Farmaajo’ iyo madaxda dowlad Goboleedyada tallaabada muhiimka ah ee loo qaaday wada-hadalka joogtada ah ee ka dhexeeya daneeyeyaasha Soomaaliya ee looga hadlayo arrimaha ahmiyadaha qaranka, sida doorashooyinka, amniga iyo deyn cafinta” ayaa lagu yiri Qoraalka.
Si kastaba Madaxweyne Farmaajo ayaa Maanta soo bandhigay sida ay uga go’an tahay adkeynta wadashaqeynta Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, taas oo muhiim u ah xaqiijinta yididiilada shacabka Soomaaliyeed ee dowladnimada iyo dib u soo celinta qarannimadeena.