Duqa Muqdisho oo kulan la qaatay Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed ayaa Xafiiskiisa kulan kula qaatay Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Dr. Maxamed Nuur Gacal.

Guddoomiye Cumar Finish iyo Guddoomiye Gacal Nuur ayaa ka wada hadlay horumarka ay ku tilaabsatay Caasimada dalka sanadihii ugu dambeeyey gaar ahaan dhanka Waddooyinka laamiga, Dayactirka dhismooyinkii burburay ee Dawladda, taalooyinkii iyo astaamihii Qaranka, soo celinta Bilicda iyo Muuqaalka Caasimadda.

Guddoomiye Gacal ayaa xusay in Duqa Muqdisho uu Galmudug u balan qaaday in uu gacan wayn ka geesanayo soo celinta iyo tayeynta Hay’adaha Curdanka ah ee Dawlad Gobaleedka Galmudug, gaar ahaan dhismaha Baarlamaanka, iyo Bilicda Caasimadda Dhuusamareeb.

“Waxa uu iiga waramay horumarka ay ku tilaabsatay Caasimadsa danadihii ugu danbeeyey dhinac kasto ha’aato, Cumar Finish ayaa u balanqaaday Galmudug in uu Gacan wayn ka geesanayo soo celinta iyo tayeynta Hay’adaha Curdanka ah ee Dawlad Gobaleedka Galmudug, gaar ahaan Dhismaha Barlamaanka, Galmudug, Qurxinta Muuqaalka iyo Bilicda Caasimadda Galmudug ee Dhusamareeb” ayuu yiri Guddoomiye Gacal.

Si kastaba Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Galmudug Maxamed Nuur Gacal ayaa ku sugan Magaalada Muqdisho,  isagoona u jooga howlo shaqo.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media