Maxaa looga hadlaya kulanka Maanta ee Xildhibaanada Golaha Shacabka?

Maanta oo sabti ah ayaa waxaa lagu wadaa in Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay kulankoodii caadiga ahaa  ku yeeshaan  Xarunta Villa Hargeysa.

Ajendaha kulanka Xildhibaanada ayaa waxaa uu yahay ka doodista xeerka qoondada haweenka oo ka mid ah afarta xeer ee guddiga wadajirka ah loo xil saaray inay soo diyaariyaan.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa xalay waxaa loo diray fariimo ku aadan in Maanta uu jiro kulan, isla markaana looga baahan yahay inay kasoo qeyb galaan si loo dardar-geliyo kulamada Baarlamaanka.

Xarunta Vila Hargeysa ayaa waxaa ka socda diyaar garoow ku adaan sidii uu furmi lahaa kulankaas, waxaana Xarunta kusii qul-qulaya Xildhibaanada Golaha Shacabka, si uusan u baaqan kulanka.

Guddoomiyaha Guddiga diyaarinta xeerarka dhameystirka sharciga doorashoyinka Qaranka Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yaroow ayaa Arbacadii lasoo dhaafay Xildhibaanada Golaha Shacabka ka hor aqriyay warbixinta guddiga ee ku saabsan 4-ta xeer ee dhameystirka sharciga doorashooyinka Qaranka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media