Al-shabaab oo xukun ku fulisay rag fal kufsi ah u geystay Gabar

Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa goob fagaare oo ku taalla Magaalada Galhareeri ee Gobolka Galgaduug waxaa ay xukun karbaash ah kula fuliyeen rag dhalinyaro ah oo lagu eedeeyay inay fal kufsi ah u geysteen Gabar.

Al-shabaab ayaa dadweyne farabadan isugu geeysay fagaaraha, iyagoo daawanayay xukunka karbaashka ahaa ee lagu fuliyay laba Ninka, kuwaasi oo lagu kala magacaabo Max’med Yuusuf Max’med iyo Cabdi Fataax Salaad Cabdi.

Raggaas ayaa lagu eedeeyay inay kufsiga u geysteen Gabar ku sugneyd duleedka Galhareeri, iyagoona qirtay in ay kufsadeen gabar iyagoo aan guur horay usoo marin, sidaas daraadeed ayaa lagu fuliyay xukun ah in mid walba lagu dhufto 100 Jeydal.

Sidoo kale Max’med Yuusuf iyo Cabdi Fataax Salaad ayaa lagu xukumay in ay bixiyaan meherka gabadha lagu xadgudbay oo mid walba oo kamid ah ragga laga qaaday min 14 neef oo Ari ah, isla markaana waxaa muddo sanado ah laga masaafuriyay deegaanka.

Al-shabaab ayaa dhowr jeer xukuno noocaan oo kale ah waxaa ay ku fuliyeen rag lagu eedeeyay inay fal kufsi ah u geysteen Gabdho, kuwaasi oo ku sugnaa deegaanada ay Al-shabaab kaga sugan yihiin Koonfurta iyo bartmaha Soomaaliya.

Comments
Loading...