Golaha Wasiirada dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa Maanta oo Axad ah waxaa ay kulankoodii todobaadlaha ahaa ku yeesheen Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Shirka Golaha Wasiirada ayaa waxaa shir Guddoomiyay Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare iyo ku-xigeenka Cali Cabdullaahi Guudlaawe, isla markaana waxaa kasoo qeyb galay inta badan Golaha Wasiirada Hirshabeelle, iyagoona ka hadlay Arrimo dhowr ah.
Golaha ayaa ka hadlay sharciga dhismaha Guddiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka oo ay wasaaradda arrimaha Gudaha Hirshabeelle u soo gudbisay Golaha si looga doodo, waxaana sidoo kale kulanka looga hadlay Amniga Deegaannada Hirshabelle iyo Caafimaadka Xaaladda Coronavirus.
Golaha Wasiirada Hirshabeelle ayaa todobaadkii lasoo dhaafay ansixiyay Miisaaniyada maamulkaas ee 2020 oo ka kooban dakhliga gudaha ka soo xerooda iyo deeqaha laga helo dowladda dhexe iyo hay’adaha caalimiga ah, waxaana ay gaareysaa miisaaniyadaasi $14,010,984 “Afar iyo toban malyan toban kun iyo sagaal boqol iyo siddeetan iyo afar dollar”.