Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug ayaa Maanta waxaa gaaray wafdi Xildhibaano ah oo ka socda dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo halkaas lagu soo dhaweeyay.
Wafdiga ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb kusoo dhaweeyay Masโuuliyiinย ka tirsanย maamulka Galmudug iyo xubno kale, iyadoona intaas kadib loo galbiyay gudaha Magaalada.
Xildhibaanadan Maanta gaaray Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa kamid ah Xildhihaan Mahad Salaad, Axmed Macalin Fiqi iyo Cabdisaabir Nuur Shuuriye.
Intaas kadib Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa kula kulmay Xarunta Madaxtooyada Galmudug Xildhibaanada ka socday dowladda Federaalka, iyagoo ka wada hadlay Arrimo kala duwan.
Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Madaxweyne Qoorqoor iyo Xildhibaanada ay ka wada hadleen dardar gelinta Arrimaha dib u heshiisiinta, xalinta tabashooyinka ka dhashay Doorashadii Galmudug.
Sidoo kale labada dhinac ayaa isla gartay in laga gudbo caqabadaha jira, danta Galmudugna laga wadashaqeyo.
Si kastaba Xildhibaanadan ayaa kamid ahaa kuwo kasoo horjeeday hannaankii Doorashada Galmudug Madaxweynaha ee uu kusoo baxay Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor.