Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ka hadlay qodobo dhowr ah oo ku aadan Arrimaha Doorashooyinka ee 2020/21 oo ay Maanta hadashay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil Xaliimo Yarey.
Madaxweyne Deni ayaa waxaa uu sheegay in hadalkii maanta ay jeedisay Guddoomiye Xaliimo Yarey ee ku saabsanaa Arrimaha Doorashooyinka la filayo inay dalka ka dhacaan aysan aheyn kuwo sharci waa-hore la ansixiyey lagu taageerayo.
Guddoomiye Xaliimo Yareey oo Shir Jaraa’id warbaahinta ugu qabatay Muqdisho ayaa sheegtay in Guddiga uu soo dhaweynayo ansixinta Shirciga Doorashooyinka Qaranka oo ay ansixiyeen labada Golle ee Baarlamaanka Soomaaliya uuna saxiixay Madaxweyne Farmaajo, iyadoona arrintaas ku tilmaamtay tallaabo taariikhi ah.
Madaxweyne Saciid Deni ayaa waxaa uu tilmaamay in qodobo ku jiray hadalkii Xaliimo yarey ay u arkaan mid looga hordhacayo dadaalada ay Puntland wado, laguna fashilinayo gogosha wadahadal ee Garoowe la dhigay.
“Guddiga Doorashada DFS hadalka ay hadda soo jeediyeen ma aha mid sharci waa-hore la ansixiyey lagu taageerayo, ee waxaan u arkaa mid looga hordhacayo dadaalada ay Puntland wado, laguna fashilinayo gogosha wadahadal ee Garoowe la dhigay, waana talaabo labaad oo jid-gooyo ah, marka laga soo tago War-saxaafadeedkii ay Wasiiradu qabteen”. Ayuu yiri Madaxweyne Deni.