Wararka aan ka heleyno degmada dooloow ee Gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in Caawa Xabsiga laga siidaayay Masuuliyiintii Maamulka degmada Balad Xaawo maalmahaan halkaasi ku xirnaa.
Gudoomiyaha degmada Balad Xaawo Gudoomiye ku xigeenka dhanka Arrimaha Bulshada degmadaas iyo sidoo kale taliyihii Ciidanka Nabad Sugida Jubbaland ee Gobolka Gedo ayaa loo heestay dilka 4 dhalinyaro ah oo ay ku eedeeyeen in ay ka tirsanaayeen Al-Shabaab.
Siideynya Masuuliyiintaan ayaa ka dambeysay kadib kulan Maanta degmada dooloow ka dhacay,kaas oo looga hadlayay sii lagu xalin lahaa xiisadii ka dhalatay dilkii 4 dhalinyarada aheyd loogu geestay Balad Xaawo.