Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug ayaa tagay goobihii maanta ay ku dagaalameen dadka degaanka iyo Al-shabaab, waxaana dagaalkii saaka billawday uu istaagay galabta.
Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug ayaa warbaahinta kula hadlay halkii Maanta lagu dagaalamay, waxaana ka mid ahaa mas’uuliyiintaas Ku Simaha Madaxwaynaha Ahna Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug Cali Daahir Ciid.
Waxaa uu sheegay in shacabka degaanka Shabeeloow ay mudan yihiin ku dayasho, loona baahan yahay in la taageero dadka shacabka ah ee dagaalka kula jira Al-shabaab.
Sidoo kale waxaa warbaahinta la hadlay Wasiirka Aminiga Galmudug Axmed Macalin Fiqi, waxaa uu sheegay in degaanada Maamulkaas laga billaabi doono howla galo ballaaran oo ay qaadi doonaan Ciidanka Dowladda iyo kuwa Galmudug.
Dagaalka saaka ka qarxay degaanka Shabeeloow ayaa waxaa ka dhashay khaasaare dhimisho iyo dhaawac leh, waxaana dagaalka markii danbe ku biiray ciidanka xoogga oo garab siinayay dadka degaanka, waxaana dagaalkaas oo saacado badan qaatay uu joogsaday galabta.