Maamulayaasha dalkaasi waxay maanta sheegeen inuu sii furnaan doonto Macbarka Rafax , si loogu oggolaado Falastiiniyiinta xayiran iyo Kiisaska Samafalka inay isaga kala gudbi karaan labada dhinac ee Xuduudka Masar iyo Marinka Qasa.
Macbarka Rafax waxaa horey loo furay bishii May 16-dii ee sanadkan, kadib, markii uu dagaal ka dhex qarxay Ciiddanka Yuhuuda iyo Kooxaha Mukhaawamada Falastiin.
Iska horimaadkaasi waxaa lagu dilay 234 qof oo Falastiiniyiin ah, oo ay ku jireen 66 carruur, halka ay 6,039 kalena lagu dhaawacay, sida lagu sheegay Tiro-koobka khasaaraha dagaalkaasi.