Kooxda Daalibaan oo la wareegtay labo caasimad-gobaleed

Afhayeenka Daalibaan, Zabihullaahi Mujaahidayaa sheegay inay qabsadeen caasimad-gobaleedyada Kundus iyo Sar-e-Pol oo ku yaalla Waqooyiga dalkaasi.

Dhinaca kale, Afhayeenka Wasaaradda Difaaca Afganistan waxa uu beeniyey Sheegashada Dalibaan, isagoo xusay inay inay iska horimaadyo weli ka socdan Gobalka Kunduz, inkastoo ay Daalibaan qabsatay Bartamaha Caasimadda Gobalka Kundus.

Warbaahinta Pajwok Afganistan News waxay sheegtay inay Daalibaan qabsadeen tiro Dhismayaal ku yaalla Sar-e-Pol, balse ay weli socdaan dagaallada.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor