Hadal qoraal oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Masar ayaa lagu sheegy inay Dowladda dalkaasi si xooggan u cambaaraynayaan Weeraradii Is-qarxinta ee labadii maalmood ee la soo dhaafay lagu qaaday Sldhig Milliteri iyo Xero Tbabar oo ku taalla magaalladda Muqdisho, waa sida hadalka loo dhigay.
War-saxaafadeedka oo uu soo saaray Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Masar waxa kaloo lagu sheegay inay Dowladda Masar si buuxda y taageersan yihiin Madaxweynaha La-doortay iyo Dowladda Somalia, si loo soo celiyo Deganaanshaha, Ammaanka iyo Dib-u-dhiska Hay’addaha Dowladda Somalia.
Dhinaca kale, Dowladda Masar waxay Tacsi u dirtay Qoysaska ay dadka kaga geeriyoodeen Qaraxyadaasi, waxayna dadkii ku dhaawacmay u rajeeyeen Bogsasho Degdeg ah.
©Radio Dalsan
Â
Â