Marxuum Macallin Cabdiraxmaan Macallow oo Maanta la aasayo

Allaha u naxariistee waxaa Maanta oo khamiis ah lagu wadaa in qabuuro ku yaalla deegaanka Calamada ee Gobolka Shabeellaha Hoose lagu aaso Marxuum Macalin Cabdiraxmaan Macallow Abiikar oo todobaad kahor lagu dilay Iskuul uu macalin ka ahaa.

Midowga Dugsiyada Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay in Marxuum Cabdiraxmaan Macallow salaada janaasada lagula tukan doono Isbitaalka Madiina ee degmada Wadajir, kadibna loo qaadayo deegaanka Calamada, halkaasi oo lagu aasayo.

“Waxaa lagu wargelinayaa bahda waxbarashada ee ku sugan Gobolka Banaadir in ay ka soo qaybgalaan jinaasada iyo duugta Rabbi ha u  naxariistee Macallin Cabdiraxmaan Macallow Abiikar. Jinaasada marxuumka ayaa lagula tukan doonaa Isbitaalka Madiina ee degmada Wadajir hadduu Alle idmo berri oo Khamiis ah taariikhduna ku beegan tahay 22/02/2024, saacaddu marka ay tahay 7:30 aroornimo” ayaa lagu yiri Qoraal ay soo saareen Midowga Dugsiyada Gobolka Banaadir.

Macalin Cabdiraxmaan Macallow Abiikar ayaa todobaad kahor waxaa lagu dhex dilay Iskuul uu macallin ka ahaa oo lagu yaalla degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho, waxaana dilkiisa loo adeegsaday tooreey oo looga dhuftay qeybaha sare ee jirkiisa.

Ehelada iyo qaar kamid ah macallimiinta wax ka dhiga Dugsiyada ku yaalla Muqdisho ayaa caasimadda ka dhigay banaanbax ay dowladda Federaalka uga dalbanayaan in gacanta lagu soo dhigo Ninkii dilay Marxuumka oo baxsaday.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor