Markab Shixnad siday oo caariyey iyo Cabsi ay qabaan ganacsatadu

Wararka aan ka helayno Magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Maamulka Puntland ayaa ku warramaya in Markab ganacsi uu kusoo caariyey dekadda magaaladaas.

Markabka oo siday shixnad ganacsi ayaa la sheegay in cabsi weyn laga qabo in uu dego, waxaana markabku uu sidaa Shamiito ay leeyihiin ganacsato Soomaaliyeed, Cabsida ugu badan ayaa dadka ganacsatada waxaa ay ka muujinayaan in Markabkuu uu la quuso Shixnadda saran.

Wali waxaa socota sidii loo bad baadin lahaa Markabkaas iyo hantida saran, waxaana Warar ka qaar ay  sheegaya in maraakiib kale ay xarhko ku hayaan, dadaalada la  doonayo in la badbaadsho ayaa wali socda.

Dekadda Magaalada Boosaaso ayaa waxaa kasoo daga badeecooyin kala duwan oo ay leeyihiin ganacsato Soomaaliyeed, Maamulka Puntland wali kama hadlin arrinta Markabka, mana la sheegin waxyaabaha keenay in Markabku Caaryo.

 

Comments
Loading...