Mareykanka oo taageeray tallaabo ay qaaday Dowladda Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa kulan la qaatay safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Donald Yamamoto.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga ka dhaxeeya labada dhinac iyo taageerada Mareynkanku Soomaaliya ku siiyo la dagaalanka Al-shabaab iyo xoojinta ammmaanka sidii loo sii adkayn lahaa.

Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya ayaa bogaadiyey dadaallada dib u habeynta ciidamada oo kaalin wayn ka gaysanaysa dhismaha ciidamada iyo tayadooda, si mustaqbalka ay u gaaraan hadafka dalku leeyahay oo ah inay amniga dalka oo dhan ku filnaadaan si AMISOM looga maarmo.

Dowladda Mareykanka ayaa tababaro kala duwan siisa Ciidanka dowladda Federaalka, waxaana diyaaradaha Mareykanka duqeymo ka fuliyaan deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolada dalka Soomaaliya.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media