Maxamed Cusmaan Maxamed Xasan ayaa loo haystaa kamid ahaanshiyaha Alshabaab oo uu kaga biiray Galgaduud 2013 iyo in uu u qaabilsanaa Faafinta fikirka Al-shabaab.
Billowgii March ayay ku soo wareejiyeen hey’adaha Baarista Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida , xilligaas oo ay Xeer Ilaalinta ka Codsatay Garsoorka in loo gudbiyo Xabsiga Dhexe Garsuge-ahaan.
Maxamed Cusmaan ayaa dhalinyarada Alshabaab ee ku sugnaa CeelGaras iyo CeelBuur u fasiri Diinta Islaamka isaga oo ugu adeegayo fulinta Qorshayaasha Alshabaab, dhowr jeer oo hore ayuu yimid Muqdisho, waxa uuna u sheegay Garsoorayaasha in xilligaasi uu la wadaagi jiray Al-shabaab dhaq-dhaqaaqyada Muqdisho iyo la wadaagidda wararka la xiriira Gobalka ee ay baahiyahaan Idaacado ku yaal Caasimadda.
Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa soo codsaday in la muddeeyo dhageysiga dacwadda ka dhanka ah Maxamed Hiiraan Bartimaha Bishii ina dhaaftay.
Maanta ayay Maxkamadda Go’aan ka soo saartay waxa ayna Maxkamadda Ciidamada ku xukuntay SIDEED SANO oo xabsi Ciidan ah, sida dhinacyada uu u sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida.
Xukunsahaya ayaa haysta Fursad uu ku dulban karo Rafcaan Sodon Cisha gudahood.