Mareykanka oo si toos ah ula hadlay Farmaajo, taageerana u muujiyey RW Rooble

Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka ee Arrimaha Afrika, Mary Catherine Phee ayaa ka warbixisay waxyaabihii ay kala hadashay Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble oo uu ka dhexeeyo khilaaf xoogan oo cirka isku shareeray.

Mary Phee oo Qoraal soo dhigtay barteeda Twitter-ka ayaa waxaa ay ku sheegtay inay kulan gaar ah la yeesheen Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, isla markaana kala hadleen in baahi deg deg ah loo qabo in la joojiyo hadallada iyo ficillada xiisad abuurka ah.

Mareykanka ayaa sidoo kale Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ku booriyey inuu ku taageero Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, Shirka Golaha Wadatashiga Qaran iyo dhameystirka doorashooyin lagu kalsoonaan karo.

“Waxaan maanta kala hadlay madaxweyne Farmaajo baahida deg degga ah ee loo qabo in la joojiyo hadallada iyo ficillada xiisad abuurka ah. Waxaan ku booriyey inuu ra’iisul wasaare Rooble ku taageero qabashada shirka Golaha Wadatashiga Qaran iyo in si deg deg ah loo dhameystiro doorashooyin la isku haleyn karo,” ayey tiri Phee.

Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka ee Arrimaha Afrika, Mary Catherine Phee ayaa kulan kale la yeelatay RW Rooble, iyagoona xustay inay taageersan yihiin dadaalladiisa uu ku qabanayo kulanka Golaha Wadatashiga Qaran si loo saxo khaladaadka doorashada, si deg deg ahna loogu soo geba-gebeeyo doorashooyin xor ah.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor